Madaxweynaha Itoobiya oo Maanta lagu soo dhaweeyay Dalka Jabuuti+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Shale-Work Zewde ayaa maanta gaartay dalka Jabuuti halkaas oo ay uga bilaabatay booqosho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay ra’isulwasaaraha Jabuuti Abdoulkader Kami iyo wasiirka arimaha dibadda Jabuuti Mahmoud Ali Youssouf.

Xubno ka socday IGAD iyo safiirka itoobiya ee dalka Jabuuti ayaa sidoo kale soo dhaweynta qeyb ka ahaa .

Shale-Work Zewde ayaa la Kulmi doonta madaxweynaha Jabuuti ismaaciil cumar geele

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya

Sidoo kale waxaa ay uga warbixin doontaa madaxweynaha jabuuti xaaladahii ugu danbeeyay ee colaada iyoobiya .

Jabbuuti waa marinka ugu weyn ee shixnadaha ay uga yimaadaan dalka aan badda laheyn ee itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...