Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka qeybgalay madasha Wasaaradaha oo ku aaddan iswaafajinta socdaalka Shaqaalaha Bariga iyo Geeska Afrika.

Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ee aaladda internet-ka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Bariga iyo Geeska Afrika ee arrimaha Shaqada iyo shaqaalaha qaabilsan.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay saxiixday khariidad-nabadeed si loo ilaaliyo xuquuqda muhaajiriinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ee doonaya shaqo dibedda ah”.ayuu yiri Wasiir Duraan oo hadalkiisa ku daray in shirka uu ku soo idlaaday jawi guul ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...