Qaramada midoobe oo sheegtay in qaxootiga itoobiya ka yimi ee gaaraya Sudan ay kordheen.

Date:

Heyada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ee ka baxsanaya dagaalka waqooyiga itoobiya ay soo kordhayaan.

UNHCR waxay tilmaantay in iminka 40,000 ay kor u dhaafeen dadka qaxootiga ee gaaray bariga Sudan

Labadii cisho ee ugu danbeysay waxaa xadka Sudan gaaray 5,000 oo qof kuwaas oo caruur iyo haween u badan .

UNHCR waxay sheegtay in 300 oo caruur ah kuwaas oo aad u nafaqo daran hada la quudiyo islamarkaana la siiyo daryeel caafimaad.

Qaxootiga waxaa la siiyaa cuno bisil waxaana loo sameeyay goobo biyo ay ka cabaan iyo musqulo .

UNCHR waxay sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii dadka qaxootiga xuduuda looga dheereyn lahaa oo loo geyn lahaa gudaha Sudan.

Ilaa 8,000 oo qof ayaa hada la geeyay deegaanka Um Rakuba oo 70km gudaha Sudan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...