Burbur Xoogan oo soo gaaray Magaalada Shire oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Waqooyiga, islamarkaana Ciidamada Itoobiya iyo TPLF ku dhax dagaalameen.

Date:

Dejena hotel oo ku yaala bartamaha magaalada Shire ee gobalka tigreega dalka itoobiya wuxuu ka mid ahaa meelaha ay dagi jireen dadka dalxiiska u aada goobaha taariiqiga ee waqooyiga itoobiya.

Dhismaha hoteelka ayaa ku burburay dagaalkii ciidanka itoobiya iyo kuwa TPLF ku dhax maray magaalada.

Inkastoo xaalada magaalada degan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya hadana waxaa ka muuqda raadadka colaada.

Magaaladan oo ay ku noolaayeen dad lagu qiyaasay 47,283 qof ayaa iminka ah cidla waxaana dadka badankood ay ka carareen ka hor inta aan dagaalku dhicin.

Dadka arimaha itoobiya ka faalooda ayaa sheegaya in ay waqti qaadan doonto kabashada burburka gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee waqooyiga itoobiya.

Meelaha burburay waxaa ku jira garoomada diyaaradaha iyo buundooyin muhiim ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...