Maamulka Punland oo ka tacsiyadeysay geeridii ku timid General khaliif Ciise Mudan.

Date:

ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan dowlad goboleedka punland iyo kan shacabka ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee gen. khaliif ciise mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka turkiga.

Alle ha u naxariistee khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka dowliga ah, waxa uu soo noqday taliyaha ciidamada cirka soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii puntland, waxa uu kasoo noqday puntland wasiirka wasaaradda amniga iyo ddr-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne ku-xigeenka puntland  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum gen. khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu alle swc uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo jannatul fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda soomaaliyeed iyo shacabka puntlandba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...