Madaxweyna JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Abaal-mariyay Shaqaalaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Billad iyo Shahaado sharaf ku maamusay Masuuliyiintii iyo howlwadeennadii ka soo shaqeeyay dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xaqiijinta madaxbannaanida dalka, dowladnimada iyo sharafka Qarannimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonaan Muwaadin kasta oo door ku lahaa dib u soo celinta Maamulka Hawada Dalkeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay dalkooda iyo dadkooda u qabteen.

โ€œSoo celinta Maamulka Hawada dalkeenna waxaa ay ahayd arrin aad u adag, madaama welwel badan laga qabay tayada howlwadeennadeenna iyo qalabka aan isticmaaleyno awooddiisa, laakin waxaa fikirkaas beeniyay Masuuliyiinta iyo khuburada Soomaaliyeed ee Duulista Hawada oo muujiyay karti iyo in ay daacad u yihiin masuuliyaddaas Qaranโ€.

Madaxweynaha oo guddoonsiiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Billad sharaf ayaa ku bogaadiyey howlwadeennada Duulista Rayidka sida ay muddo kooban gudohood ugu horseedeen in dalkeennu lagu ammaano dhanka Maamulka iyo Maaraynta Duulista Hawada.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyay Shahaado Sharaf dhammaan Halyeeyadii ka soo qeyb qaatay Qorshaha Qaran ee Soocelinta Maamulka Hawada Soomaaliyeed, Howlwadeennada Hayโ€™adda Duulista Rayidka ah iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhankooda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Heyโ€™adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka warbixiyay horumarka dalka ee dhanka Duulimaadyada Rayidka ah iyo Amniga Garrommada Diyaaradaha, waxa ayna tilmaameen in Shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay ku soo dhiirradeen adeegsiga Hawada Soomaaliya.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...