Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baydhabo ka furay Mashruuc horumarineed+(SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashuuriic horumarineed oo dhinacyo badan, taasoo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya dadka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar fulinta mashaariicdan kala duwan ee waxtar ka u leh bulshada, gaar ahaan taakuleynta dadka danyarta ah ee awoodin helidda mashaariicda loo sameeyey.

“Mashaariicdan aan maanta xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar taageeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga go’an tahay gacan siinta bulshada”.

Munaasabadda furitaanka Mashaariicdan ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Qatar Hassan Hamza Asad Hashem Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Wasirro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...