Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Ahmed oo shaaciyay in uu bilowday Qorshahii ugu dambeeyay ee Howlgalka Gobolka Tigreega.

Date:

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in lagalay wajigii sadaxaad howlgal soo celinta sharciga ee gobalka tigreega

Abiy Ahmed wuxuu tilmaamay in wajigan uu yahay talaabadii ugu danbeysay ee lagu jirid siibayo TPLF islamarkaana cadaalada lagu keenayo.

Wuxuu ugu baaqay ciidanka TPLF in ay heystaan 72 saac oo ay isku dhiibaan

Shacabka ku dhaqan magaalada Makelle ayuu ka codsaday in ciidanka dowlada ay la shaqeeyaan.

Hadalka ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa imaanaya iyada oo ciidanka itoobiya ay ku sii siqayaan magaalada Mekelle.

Taliyaha ciidanka itoobiya ayaa sheegay in ciidanku ay qabsadeen dhul muhiim ah oo ah wadooyinka gala Mekelle.

Wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ciidanka itoobiya ay joogaan meel u jirta 90Km Mekelle halkaas oo dagaal culus uu ka socdo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...