Waxaa sii kordhaya walwalka laga qabo badqabka qaxootiga Eritereya Xilli Colaad Itoobiya ay sii kordhayso.

Date:

Maaddaama dagaalku ka socdo gobolka Tigreega ee Itoobiya, Qaramada Midoobay waxay ku baaqeysaa in la furo waddooyin loo maro afar xero qaxooti oo ay dagan yihiin Qaxooti Eritrean ah, kuwaas oo ku dhowaad si buuxda ugu tiirsan gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Ann Encontre oo ah wakiilka Hay’adda UNHCR ee Itoobiya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaalada bina-aadamnimo ee ka sii daraysa ee Gobolka Tigrayga, taas oo ay ugu sii darrayso helitaan la’aanta iyo awood darrida ee ay hadda u leedahay in cunto iyo sahay loo geeyo dadka u baahan, oo gaaraya 100,000 oo Eritrean ah qaxootiga gobolka ”.

“In kastoo ay adag tahay in la qiimeeyo xaaladda dhulka ka jirta – haddana ma aanan awoodin inaan la hadalno Shaqaalaheena gar gaarka 48-dii saac ee lasoo dhaafay – waxaan ka baqdin qabnaa in dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan qoxootiga, ay xabadu  ka dhex-dhacdo” Ayay tiri.

“Waxaan ubaahanahay in si deg deg ah aan u helno wadooyin loo maro afarta xero qaxooti si aan awood ugu yeelano in gargaarka aan gaarsiino halkaasi,” ayay tiri.

Qaxootigan ayaa inta badan ku sugan Xadka Eriteriya si ay uga baxsadaan dagaalka milatari ee aan xadidneyn iyo cadaadis gaar ah, waxaana ay ku jiraan go’doon aad u balaaran oo dhianc walba leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...