Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta tagaya magaalada Baydhabo.

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur galbeed, halkaas oo ay haatanba ka socoto qabanqaabada wafdiga sare ee ku soo wajahan.

Ammaanka magaalada ayaa sare loo qaaday, waxaana ciidamada amnigu ay u sugayaan nabadgalyada magaalada iyo garoonka diyaaradaha si feejigan, waxaana sidoo kale bulshadu u diyaar garoobeen soo dhawaynta wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Socdaalka wafdiga Ra’iisal wasaare Rooble ayaa salka ku haya wadatashi uu halkaasi kula yeelanayo mas’uuliyiinta Koofur galbeed iyo bulshada gobolkaas, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta ammaanka deegaanada ay doorashadu ka dhacayso.

Waxaa sidoo kale Ra’iisal wasaaruhu uu dhagaysan doonaa baahiyaha dhinaca bulshada ah ee ka jira deegaanada Koofur galbeed, si hawlqabadka xukuumadda loogudaro inay baahiyahaasi ka jawaabto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...