Ciidanka Itoobiya oo TPLF kala wareegay magaalo 116-KM u jirta caasimadda gobolka Tigreega ee Mekelle.

Date:

Sida uu sheegay golaha xaaladda deg degga ee Itoobiya u xilsaartay gobalka Tigreega, ciidanka dowladda ayaa la wareegay saakay magaalada Adigrat.

Nawaaxiga Adigrat waxaa ka socday dagaal illaa shalay galinkii danbe kadib markii ciidanka federaalka Itoobiya qabsadeen shalay magaalooyinka Axum iyo Adwa.

Adigrat waxay 116 km u jirtaa magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigreega.

Dagaalka muddada ku dhow 20-ka cisho ka socda waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo TPLF ayaa u muuqanaya mid dowladdu horumar ka sameyneyso.

Qeybo badan oo ka mid ah galbeedka,koonfurta iyo waqooyiga gobalka Tigreega ayaa galay gacanta ciidanka Itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...