Dagaal culus oo ka socda magaalada Shire oo u dhaw xadka dalka Eritrea.

Date:

Dagaal culus ayaa ka soconaya magaalada Shire ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidanka dowlada iyo TPLF.

Wararka laga helayo shaqaalaha gar-gaarka ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay dhowr jaho ka weerareen magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 47,000 qof, waxay xigtaa dhanka Eritrea waxayna xuduuda u jirtaa 200Km

Deegaanka Shire ayaa waxa ku yaala xeryo ay ku noolyihiin dad qaxooti ah oo badankooda Eritrea ka yimid.

Dowladda Itoobiya wali wax war ah kama soo saarin dagaalka Shire   Ciidanka Itoobiya ayaa horay ula wareegay magaalooyin ay ka mid yihiin Humera iyo Alamata.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...