Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u Naxariistee Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibadeed. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada New Delhi 

Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u...

Hay’adda USAID oo Mashruuc looga hortagaayo cunno yarida ka daah furtay Muqdisho 

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Maxamuud...

Gollaha Wasiirrada oo Agaasimaha Guud ee HSJ u magacaabey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane...

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay soo Afjaridda khilaafkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya 

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka...