Guddoomiye ku-xigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilalkooda ula wareegay+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey Guddoomiye ku-xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Ku-xigeenadii Hore iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir kadib munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galay xubno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa ku amaanay guddoomiyeyaasha xilka wareejiyay inay howlfiican qabteen, waxaana uu kula dar daarmay ku-xigeennada cusub inay shaqada dar dargeliyaan oo ay la yimaadaan hannaan shaqada lagu horumarinayo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Agaasimeyaasha guud dowladda Hoose ee Xamar looga fadhiyo inay idin kala baraan shaqaalaha gobolka, waxaana shaqaalaha la hadli doontaan marka aad xog ogaal noqotaan oo aad kala barataan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...