Ciidanka Kumaandooska oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Nabadiidka Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanno hoostaga Gobolada Shabellooyinka iyo Hiiraan.

Howlgalka ciidanka kumaandooska fuliyeen ayaa waxa ay ku soo qabteen horjogayaal uu ka mid yahay  horjoogihii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Horjooge Xasan Yuusuf Cali ,Horjoogihii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcadde Cali Cabdulle Jilacow, iyo Horjogihii Sakawaadka Nabadiidka ee Gobolada Shabellada Hoose iyo Dhexe horjooge Cabdullahi Isxaaq Xuseen.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal ku bur buriyeen xarumo nabadiidka Al-Shabaab ku lahayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellooyinka .

Taliye Maxamed Saleebaan waxa uu tilmaamay howlgalka lagu soo qabtay horjogayaal sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...