Wasiirka Ganacsiga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Soomaaliya u jooga Dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudan+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaas oo ay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Miudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale safiirada kulanka ka soo qeyb-galay oo kala ahaa safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey), Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Danjire Xuseen Xaaji Axmed, waxay ugu horeyn ka wada-hadleen dedaalada lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xidhiidhada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay  Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.

Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsi, iskaashiga dhaqaale, Maal-gashi iyo siddii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...