Wasiir Haweenka oo Booqatay Gabar Qabta Dhaawac Halis ah oo Bosaaso Laga Keenay+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka Caddaaladda ayaa maanta Isbitaalka Erdogan ee Ex-Digfeer ku booqday, Maryan Mursal Salaad oo ah gabar 20 sano jir ah oo lagu soo dhaawacay magaalada Bosaaso ee gobolka Bari.

Gabadha ayaa la sheegay in nin ka tirsan booliiska magaalada Bosaaso oo xabad kaga dhuftay xubinta taranka shan maalin ka hor, ka dibna waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dhaweeyo.

“Runtii dhibaatooyinkaas waa ku soo noq noqday waa kiiskii labaad oo aan kala kulmay Bosaaso, gabar nin xabad ku dhuftay, waxaa la ii sheegay Maryan ninka xabadda ku dhuftay in ay is yaqaanneen oo aysan ka shakisineyn kana filanaynin in waxaas ku sameynayo,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Wasiirka Xaniifa ayaa sheegtay in dhibaatada lagula kaco gabdhaha Soomaaliyeed aysan aheyd wax la aqbali karo, waxayna dowlad goboleedka Puntland ugu baaqday in ay caddaaladda hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkan argagaxa leh.

Wasiirka Haweenka ayaa sheegtay in waalidka Maryan ay la qeybsanayaan dhibaatada soo gaartay gabadhooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...