Wasiirkii Arimaha dibadda Suuriya oo ahaa ruug cadaaga Siyaasadeed Walid al-Moalem ayaa geeriyooday.

Date:

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa shaaciyay saakay, geerida Waliid Al-Mucallim, Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Syria.

Wakaaladda Wararka Syria ee “SANA” ayaa soo qortay, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogtu waxay ka tacsiyeynaysaa geerida Walid Al-Macallim, Wasiirkii Arrimaha Dibadda.”

Al-Mucllim wuxa uu caasimadda Demishiq ku dhashay July 17, 1941,  waxaana uu la wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya bishii Febraayo 11, 2006, isagoo wax ku bartay iskuulada dowliga laga soo bilaabo 1948 ilaa 1960, markii uu ka qaatay shahaadada dugsiga sare Tartous.

Intaa ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Qaahira oo uu ka qalin jabiyay 1963 BA cilmiga dhaqaalaha iyo Sayniska, waxaana uu ka mid ahaa ragga tiir dhexaadka u ah maamulka Bishaar Al-asad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...