Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag lala xiriirinayo argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Date:

Itoobiya ayaa sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku sugnaa gudaha Itoobiya.

Laamaha amaanka iyo sirdoonka Itoobiya oo iskaashanaya ayaa sheegay in ay xireen 14 xubnood oo qorsheynayay weeraro ka dhaca Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Kooxahan ayaa sidoo kale la sheegay in ay qoranayeen dad u shaqeeya oo weerarada u fuliya.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah Abdul Abdi Jemal  oo la sheegay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab kaas oo dhawaanta soo galay magaalada Addis Ababa

Xubnaha kale ee la xiray waxaa ka mid ah Abdrohman Aden Abubeker, Muktar Gab Gosa, Gama Direye Abdi, Shiek Ahmed Nur Mohammed Ousman, Kusow Aden Hussien, Mohammed Hassen Aden Oumer iyo  Redwan Muhad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...