Boqorka Baxrayn oo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub ka dib geerida Ra’iisal wasaarihii hore.

Date:

Boqorka Dalka Baxrayn Xamad bin Ciise ayaa magacaabay ra’iisal wasaare cusub kadib markii ra’iisal wasaarihii dalkaas Khaliifa bin Salmaan shalay ku dhintay gudaha dalka Maraykanka oo uu ku xanuunsanaa.

Salmaan bin Xamad bin Ciise oo ah dhaxal sugaha dalkaasi Baxrayn ayaa loo magacaabay inuu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Wadankaasi Baxrayn.

War murtiyeed kasoo baxay shalay boqortooyada Baxrayn ayaa lagu shaaciyay in ra’iisal wasaarihii geeriyooday lagu aasi doono dalka gudihiisa iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan qoyska iyo qaraabadiisa oo kaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...