Xaalada Covid-19 ee Dalka UK oo iminka gaartay meel halis ah, waxaana jira digniino dowlada loogu sheegayo in aanay isdhigan oo talaabo ay qaado.

Date:

Dalka England ayaa iminka noqotay dalka ugu dhimashada badan cudurka Covid-19 guud ahaan qaarada Yurub waxaana dhimashadu ay dhaaftay 50,000.

Sida ay sheegtay waaxda caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS waxaa 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan galiyay 595 dhimasho ah.

Sidoo kale waxaa cudurka laga helay dad ka badan 22,000 oo qof .

UK hada waa dalka shanaad ee ugu dhimashada badan karoonaha guud ahaan aduunka waxaana ka horeeya Mareykanka,India,Brazil iyo Mexico.

Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay in dhimasho kasta ay musiibo tahay dowladuna qaadi doonto talaabo kasta oo cudurka lagu xakameynayo.

UK hada waxay ku jirtaa bil xayiraad ah oo dhamaan doonta 2 December kadib markii bilowga bishaan November uu cudurku sare u kacay.

Hada waxaa la galay xiliga qabowga oo halis badan taas kaalin ka qaadan karta qatarta cudurka .

Tan iyo bishii Maarso ee sanadkan waxaa UK uu cudurka ku dhacay 1.8 malyuun oo qof

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...