Madaxweynaha Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay kobcinta doorka Haweenka ee siyaasadda, maamulka iyo arrimaha bulshada, isaga oo ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

“Abaal weyn ayay nagu leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed, xilligii xornimo doonka waxa ay ahaayeen udub-dhexaadka halgankii xorriyadda iyo midnimada. Xilliyadii duruufaha adag ay soo wajaheen dalkeenna waxa kaliya ee loo baxsaday waxa ay ahaayeen dumarka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhageystay talooyinka iyo weydiimaha Haweenka ka soo qeyb galay kulankan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladdu ay xoojiso fursadaha shaqo ee Haweenka iyo ilaalinta saamigooda siyaasadeed iyo maamul ee dalka.

Dhankooda, Marwooyinka ka soo qeyb galay kulanka ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey mudnaanta uu siiyey Haweenka iyo kalsoonida uu ku qabo doorkooda dib u dhiska dalka, hirgelinta qorsheyaasha Qaran ee dhanka horumarka, adkeynta midnimada iyo ka miro-dhalinta dadaallada dib u heshiisiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...