Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay.

Date:

17 sarkaal oo ka tirsan ciidanka federaalka Itoobiya ayaa la xiray kadib markii la sheegay in ay ku kaceen falal xasiloonida lid ku ah.

Sida uu sheegay taliyaha booliska Itoobiya saraakiishaan ayaa jaray qadka isgaarsiinta ee isku xirayay taliska dhexe ee ciidanka iyo taliska waqooyiga ee ku yaalla gobalka Tigreega, halkaas oo TPLF ay qabsatay.

Saraakiishan la xiray waxaa ugu darajo sareeya oo ugu magac dheer sareeye gaas, Gebremedihn Fekadu, oo caan ka ah ciidanka Itoobiya .

Saraakiisha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal ay wada fuliyeen ciidanka iyo malatariga itoobiya.

Gebremedihn wuxuu ahaa madaxa isgaarsiinta ee ciidanka Itoobiya, waxaana la sheegay in uu la shaqeynayay TPLF.

Janaraalkan ayaa sidoo kale boolisku sheegeen in lagu qabtay 11 sanduuq oo ay ku jireen gantaalo iyo waxyaabaha qarxa oo uu doonayay in uu gacanta u galiyo kooxda TPLF.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...