Waxaa goor dhaw Magalaada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabelle+(SAWIRRO).

Date:

Waxaa so idlaaday tirintii codadkii la qaaday ee doorashada Madaxweynaha Hirshabelle waxaana codeynta ku guuleystay Ali guudlaawe xuseen oo codadkii ugu badnaa helay, 99 xildhibaan ayaa Codeysay 13 cod ayuu helay Cabdiraxmaan JImcaale Halka Cali Guudlaawe uu helay 86 Cod waxaana lagu dhawaaqay in uu Madaxweynaha Hirshabelle yahay Cali Guudlaawe.

Hada waxaa socoto codeynta madaxweyne kun xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan Musharax Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabageed) iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M. dheere).

Taariikhada Madaxweynaha la doortay

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Waxa uu Dhashay 1974-tii

Waxa uu Ku dhashay Degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe.

Waxbarashada.
Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare Waxa uu kusoo qaatay Magaalada Jowhar.

Jaamacada.
Heerka Darajada Koowaad ee Jaamacada Somali International University

Xilalkii waxaa uu horay u soo noqday Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xilligii Maamulkii Maxamed Dheere 2001-2006.

Waxaa uu noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe xilligii dowladdii KMG aheyd sanadihii 2007-2009

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu soo ahaa sanadihii 2014 2016.

October 2016 ayaa loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Halkaan kala soco waxii kusoo kordha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...