Dagaalada ka socda gudaha Dalka Itoobiya oo sababay in kumanaan qof oo qaxooti ah ay u qaxaan Wadanka Suudaan.

Date:

In ka badan lix kun oo Itoobiyaan ah ayaa gaaray dalka Suudaan si ay uga baxsadaan dagaalada ka socda gobolka Tigray-ga sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa filaysa in 200,000 oo Itoobiyaan ah ay soo gaari doonaan dhulkeeda maalmaha soo socda, maadaama dagaalku sii socdo.

Hay’adaha gargaarka oo diyaarinaaya xero qaxooti oo la dejiyo dadka soo qaxaaya ayaa ka digay in dhibaato bini aadanimo ka dhalato qalalaasaha ka socda Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hore u go’aamiyay in howl gal military laga fuliyo gobalka Tigrega si loosoo afjaro jabahadda hubeysan ee mucaaradka ku ah dowladda.

Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen intii uu socday dagaalka, taas oo dhalisay cabsi laga qabo in dagaal sokeeye dillaaco.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaa sheegay in aysan wax wadahadal la geli doonin dowlad deegaanka Tigerega, illaa ay ka baabi’iyaan dhammaan hubka militariga, siina daayaan saraakiisha federaalka ah ee ay xirteen.

Si kastaba Ururka Goboleedka Midowga Africa oo maalin ka hor ka hadlay dagaalkan u dhaxeeyo Ciidamada Difaaca Dowlada Federalka Itoobiya iyo Jabhad TPLF ee taageersan Ismaamulka Tigreega ayaa labada dhinac ugu baaqay in la joojiyo dagaalka wixii khilaaf ah ee jirana lagu soo dhameeyo wada hadal iyo nabad si loo badbaadsho Dadka rayidka ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...