Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo ka hadlay diidmada Trump ee guushiisa.

Date:

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in diidmada Trump uu diiday in uu ogolaado in doorashada looga guuleystay ay tahay ceeb ama wax laga xishoodo.

Biden oo tan iyo shalay xiriirro kala duwan la sameynayay hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin wax ka hor-istaagi kara in uu xilka la wareego.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in ugu dambeyntii isaga ay raaci doonto guusha doorashada oo inta badan warbaahinta ay saadaalisay in uu ku guuldarreysan doono.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin natiijada dhammaan codadkii laga dhiibtay gobollada dalka Mareykanka, waxaana wali soconaya tirinta codadkii la dhiibtay.

Natiijada rasmiga ahi ayaa la shaacin doonaa kaddib marka ergooyinka doorashada ay kulmaan 14 bisha Diseembar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...