Wasiirka Maaliyada JFS oo khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay dhaqaalaha Dalka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hormarka maaliyadda, dhaqaalaha dalka kadib markii uu kulan qadka internerka ee fogaanka arraga uga qeyb-galay shirkadka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics).

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ka jeediyay Muxaadiro ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka, Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taa oo u qabsoontay hab Online ah.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale safiirka dowladda sweden ee soomaaliya uga mahadceliyayka ka qeyb-galka barnaamijka lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Sweden ee u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo igu wehlinayay barnaamijka aan uga hadalnay dhaqaalaha Soomaaliya, ayuu hadalkiisa ku daray Dr, Cabdiraxmaan Duceele Bayle.

Ugu dambeytii wasiirka maaliyadda eee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay in Isbadalka saxda ah ee maaliyadda dalka u horseeday kalsoonida iyo taageerada dhaqaale ee Saaxibada Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...