Taliska Howlgalka AMISOM oo kulan ka yeeshay Ammaanka Doorashooyinka Dalka+(SAWIRRO).

Date:

Taliyaha guud ee ciidanka Amisom ,sareeye guud Diomede Ndegeya, ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha lixda qeybood ee Amisom kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo qeyb ka ahaa xoojinta amniga maadaama ay qeyb ka yihiin la dagaalanka argagixisa.

Kulanka oo ay hanaanka muqaal-fog araga dhanka internetka uga qeyb galeen lixda taliye  qeybaha Amisom ayaa looga hadlay qorsheynta hanaanka dib u qaabeynta howlgalka Amisom iyo sidii loo meel marin lahaa qorashayaasha lagu kaabayo hanaanka la dagaalanka maleeshiyaadka al-shabaab.

Saraakiisha ayaa  sidoo kale kulanka ay uga hadleen  talaabooyinka dhanka amaanka la xiriira kuwaas oo loogu talo galay doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya .  Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya waxay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...