Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta u soo xiray tababar diblomaasiyadeed 19 hablood oo howlwadeenno ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta u soo xiray tababar diblomaasiyadeed oo muddo labo todobaad socday 19 hablood oo howlwadeenno ka ah 14 Waaxdood ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo munaasabadda xiritaanka ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Wasiir Cawad ayaa uga mahadceliyay tababarayaasha mutadiwiciinta ah ee Machadka dadaalkooda ay ku kobcinayaan xirfadda shaqaalaha, isagoo tilmaamay in tababarayaal Sweden ah ay tababari doonaan tababarayaasha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si xirfaddooda loo xoojiyo, shaaciyayna muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha la baro far-qoridda Af Soomaaliga si ay u saxaan higgaada si looga fogaado khaladaad luqadeed , iyadoo isla markaana la barayo afaf khalaad oo ka qeyb ah istiraatiijiyadda u adeegaysa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in Machadka uu qabtay seddex tababar tan iyo markii dib loo furay 2 Disember, 2019, tababarna uu u fidiyay 45 shaqaale oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...