Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiyo Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

Date:

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi & mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka hobyo ee gobolka mudug, iyada oo si wyan halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaasi waxaa hoggaaminaya Wasiirka Dakadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye,  waxayna halkaasi u tageen dhagax dhigidda dhismaha Daked macmal ah oo ay  hirgalin doonto Ha,adda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska ku saxiixey heshiis lagu dhisayo Dakadda Hobyo.

Ujeedada Dakaddaan Macmalka ayaa ah suurta galinta in qalabka lagu dhisayo dakadda Hobyo laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faa’idaystaan ganacsatada Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan hirgalinta mashruuca dhismaha dakadda magaalada hobyo, oo la filayo haddii uu taabbo galo inuu qayb Libaax ka qaadan doono horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Galmudug iyo guud ahaan goballada dhexe ee dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Addis Abab kulan ku yeeshay

El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...