Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay Ganacsatada Gobolka Banaadir+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo u kuur-galaaya xaaladda ganacsatada ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan aad u ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ka hawl-gasha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo kulankiisa  oo ay ku wehelinayeen wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekh’unaa Maye, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa siddii wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu xog-oggaal ugu noqon lahaa sidoo kale na ugu kuur-geli lahaa xaaladaha iyo duruufaha ay qabaan ganacsatada kala duwan ee wadanka, ayaa waxay ganacsatadu sheegeen in ganacsiga wadanku uu maanta meel fiican maraayo isla-mar-ahaantaana ay ka ganacsato ahaan door weyn ay ka qaataan shaqo abuurka iyo guud ahaan horumarka wadanka. Iyaga oo xusay in sidoo kale na ay jiraan caqabado soo waajaha ganacsatada oo u baahan in si wada-jir ah wax loogga qabto.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in uu ganacsatada uga mahad-celinaayo kaalintaas muuqata ay kaga jiraan horumarka Soomaaliya, waxaana uu xusay loo baahan yahay in ganacsatada iyo dawladdu ba ay mar walba iska kaashadaan horumarka dalka sidoo kale na ay ka Wasaarad ahaan dadaal ugu jiraan siddii loo horumarin lahaa ganacsatada iyada oo wax laga qabanaayo caqabadaha jira iyo cabashooyinka ay halkaas ku soo gudbiyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...