Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo maanta xilkii la wareegay.

Date:

Munaasabad kooban oo Maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa waxaa xilalka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.

Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaannada Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub Luqmaan Xaaji Muxumad, halka iyana Guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ee xilka la wareegeen.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cusmaan Barre waxyaabihii uu qabtay intii uu xilka haayay, isla markaana uu doorweyn ku leeyahay dhismaha Hir-Shabeelle.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre ayaa Guddoomiyaha Cusub ugu hambaleeyay xilka loo dooryay, isaga oo ugu baqay in uu dardar geliyo Shaqooyinka horyaalla, isla markaana dhankiisa uu la Shaqeyn doono.

Maalinta Arbacada ah ee todobaaadkaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la sheegay in ilaa iyo hadda uu u sharaxan yahay Cali Guudlawe Xuseen oo ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...