Joe Biden oo la saadaalinayo in uu qaadayo Xayiraadaha dhinaca socdaalka ah ee saran dalal Muslim ah.

Date:

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa qorsheynaya in marka ugu horeysa ee uu la warego xilka uu doonayo in uu joojiyo xayiraadaha socdaalka ee Donald Trump uu saray in ka badan 10 dal, oo u badan waddamada muslimka ah.

Madaxweynaha la doortay wuxuu balan qaaday inuu si deg deg ah u joojinayo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump ku soo rogay in ka badan toban dal.

Bishii Oktoobar, Biden waxaa kale oo uu ballan-qaaday inuu ku riixayo siyaasiyiinta sharciyo lagula dagaallamayo tirada sii kordheysa ee la xiriirta dambiyada naceybka ah ee khuseeya Mareykanka.

Trump markii uu xafiiska qabtay waxa uu soo saaray amar fulin ah oo ka mamnuucaya toddobo dal oo u badan Muslimiin in ay soo galaan Mareykanka.

Dalaka Soomaaliya,Liibiya,Iiraan,Suudaan,Yemen  iyo kuwo kale ayaa ka mid ah wadamada Mareykanku ay ku soo rogeen xayiraadaha dhanka socdaalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...