Joe Biden oo la saadaalinayo in uu qaadayo Xayiraadaha dhinaca socdaalka ah ee saran dalal Muslim ah.

Date:

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa qorsheynaya in marka ugu horeysa ee uu la warego xilka uu doonayo in uu joojiyo xayiraadaha socdaalka ee Donald Trump uu saray in ka badan 10 dal, oo u badan waddamada muslimka ah.

Madaxweynaha la doortay wuxuu balan qaaday inuu si deg deg ah u joojinayo xayiraadaha safarka ee maamulka Trump ku soo rogay in ka badan toban dal.

Bishii Oktoobar, Biden waxaa kale oo uu ballan-qaaday inuu ku riixayo siyaasiyiinta sharciyo lagula dagaallamayo tirada sii kordheysa ee la xiriirta dambiyada naceybka ah ee khuseeya Mareykanka.

Trump markii uu xafiiska qabtay waxa uu soo saaray amar fulin ah oo ka mamnuucaya toddobo dal oo u badan Muslimiin in ay soo galaan Mareykanka.

Dalaka Soomaaliya,Liibiya,Iiraan,Suudaan,Yemen  iyo kuwo kale ayaa ka mid ah wadamada Mareykanku ay ku soo rogeen xayiraadaha dhanka socdaalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...