Howlgal Miino baaris ah ayay Ciidamada Xooga Dalka kusoo qabteen 3 miino iyo ninkii Aasayay Gobolka Shabeelada Hoose.

Date:

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Howlgal ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Waxayna Howlgalkaasi la sheegay inay ka soo saareen miinooyin dhowr ah oo ay Aaseen Argagaxisada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayay Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen wadada xiriirisa degaanada buufoow bacaad iyo janaale oo hoostaga Degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka Oktoobar xoogga dalka ayaa howlgalka ku soo saaray ilaa Saddex miino iyo mid kamid ah raga miinada Aasayay, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar ee howlgalkaasi Fulinayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay weli ka wadaan Gobolkaasi howlgallo Miina baaris ah, xilli dhowr jeer oo hore Ciidamada qaraxyo Miino lagula eegtay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...