Natiijada doorashada madaxtinimada Maraykanka oo goor dhaw la filayo.

Date:

Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo, waxaana haatan soo baxday natiijada codadka ay shacabka iyo Ergada matalaysa gobollada dalkaasi ay ka dhiibteen doorashada 3-da November 2020.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ah madaxweynaha xilka haya wali iyo Joe Biden musharaxa xisbiga Demoqoraadiga oo madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa mid walba sheegay saacaddii u dambaysay inuu ku horreeyo codadka ilaa hadda la tiriyey.

Codadka electoral college  oo ah 538, ayaa hadda waxaa Biden uu ka helay 238-cod, halka Trump uu helay 213-cod, taas oo muujinaysa inuu Biden horreeyo, waxaana guulaysanaya qofka hela 270-cod.

Trump oo goor dhaw hadlay ayaa xusay inuu guul wayn ka gaaray gobolka Pennsylvania oo leh ahmiyad wayn iyo gobollo kale, uuna gaaray guul wayn, balse ay doonayaan in doorashada la xado, waxaana uu xusay in maxkamadda sare joojin doonto dhammaan tirinta codadka, si looga digtoonaado qaladaad loo bareeray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...