Golaha wasiirada itoobiya oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobalka tigreega ee waqooyiga itoobiya.

Date:

Xafiiska ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in xaalada gobalka ay la socon donaan oo ay maamuli doonaan koox uu hogaaminayo taliyaha ciidanka.

Arintan ayaa timid ka gadaal markii xalay ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed uu amray ciidanka talaabo malatari oo ka dhan ah TPLF ciidanka tigreega.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in TPLF weerareen saldhigyada ciidanka itoobiya ee gobalka tigreega ayna isku dayeen in ay boobaan hubka culus ee ciidanka federaalka.

Waxaa hawada ka maqan qadka internetka iyo taleefanada gobalka tigreega gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Mekelle .

Ra’isulwasaaraha itoobiya wuxuu sheegay in xukumada uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii tigreegu soo gudbeen qadkii casaa.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Abiy Ahmed sanadkii 2018 xiriirka tigreega iyo dowlada federaalka ma ahayn mid wanaagsan.

Xaalada ayaa xumaatay kadib markii Tigreega qabsadeen doorasho u gaar ah taas oo golaha federaalka ee aqalka sare iyo xukumada federaalka ay sharci daro ku timmaameen.

5 October waxaa madaxda gobalka tigreega ay sheegeen in aanay dowalda federaalka sharciyan aqoonsaneyn maadaama xilkii ka dhamaaday oo aanay doorasho qaban.

Aqalka sare ee baarlamaanka itoobiya ayaa dowladu u sheegay in ay xiriirka u jaraan maamulka tigreega oo aanay la macaamilin

Wixii mudadaas ka danbeeyay xiriirka tigreega iyo dowlada dhexe wuxuu ahaa mid Aad u liita.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...