Doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta lagu wado in ay ka dhacdo Jowhar.

Date:

Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle oo maanta laga damreemayo Mashquul aad u badan ayaa lafilayaa in ay ka dhacdo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku xigeen.

Ilaa 6 Musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo ku xigeennadiisa ayaa Shalay Khudbaddo ka hor jeediyay Xildhibaanada waxaana si xowli ah u socda maanta Ololaha Doorashada Gudoonka oo ay u taaganyihiin.

  1. Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
  2. 2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle
  3. Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Si kastaba Ciidamada ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada Jowhar, Waxaana laga dareemayaa Magaalada qaban qaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka inkastoo Shacabku ay aad uga war sugayaan Natiijada Doorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...