Horjooge iyo Toban Maleeshiyo oo la socotay oo ka wada tirsan kooxda Argagaxisada Alshabaab ayaa lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Date:

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab ka fuliyeen degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayeey ku khaarajiyeen horjoogihii maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsanaa jubooyinka iyo toban maleeshiyaad ah oo lasocday.

Ciidanka kumaandooska ayaa lagu waramay in ay ka warhelern dhaqdhaqaaqa koox maleeshiyaad ah oo habeenimadii Sabtida soo gaaray hooy ku yiillay Sablaale,waxaana ciidamadaasi  ay howlgal qorsheeysan ka fuliyeen gurigii ay ku jireen kooxdaasi,iyagoo halkaasi Ku wada toogtay horjoogaha iyo tobankii maleeshiyaad ahaa ee lasocday.

Horjoogahaasi la dilay ayaa lagu magacaabaa (Mucaad dheere) kaasi oo Al-shabaab u qaabilsanaa jubooyinka ama gobolada jubooyinka sida uu kusoo waramayo  Wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Maxamed Cabdulaahi Cabdiraxmaan Shilaawe oo lasocday ciidanka howlglka ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka shabeelada hoose.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee lagu beegsanaayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...