Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo furmay ayaa looga hadlayaa Arrimo Badan oo muhiim ah.+(SAWIRRO)+(MUUQAAL)

Date:

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda  hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, dayn cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.

“Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”.

Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin”  ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo  in si miisaan leh  u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda  shaqo ee kale.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen.

Halkan Ka DAAWO MUUQAALKA Warkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...