Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha Masar iyo Jarmalka+Sawirro.

Date:

Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane  Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane  Sascha Andreas Kienzle.

Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah.

Safiir ku xigeenka  dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taageereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowladnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday.

Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay  dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...