Khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii Turkliga oo sii kordhaysa.

Date:

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay 804 kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul gariir xoogan oo cabirkiisu yahay 6.6 kaas oo shalay ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka turkiga, Saacadu markay ahayd 2:51 pm Waqtiga maxalliga ah.

Dhulgraiirka ayaa ahaa mid qoto dheer oo gaaraya 16.54 KM (10 mayl), Dhulgariirka ayaa sidoo kale ruxay xeebta badda Aegean Sea ee u dhexeysa Turkiga iyo Greece-ga sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (AFAD).

Wasiirka caafimaadka ee dalka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay in 435 qof ay daweynayaan, halka 25 kamid ah dadkaas ay ku jiraan xaalad Deg-dega ah 9 kamid ahna ay kujiraan qaliin, Waxaa uu intaas ku daray in 364 ruux laga saaray isbitaallada, kadib markii ay dhammaysteen adeegoodii caafimaad.

Hay’adaha gurmdka deg degga ayaa wali wada dadaallo lagu baadi goobayo dad laga cabsi qabo in wali ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u muujiyay isku duubni bulshada, wuxuuna sheegay in Turkigu garab taagan yahay muwaadiniintiisa uu saameeyay dhulgariirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...