Munaasabad lagu soo dhaweynaayey dib u magacaabista wasiir Beyle oo lagu qabtay Muqdisho.

Date:

Munaasabad lagu soo dhaweynayay dib u magacaabidda Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo qeybaha ururada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda ukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka mid ah wasiirrada dib loogu magacaabay, kaddib markii golaha shacabku uu kalsoonida kala laabtay xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyriye Maxamed Cali, Diiriye Geelle Cali iyo Xuseen Nuur  oo ka mid ahaa qaban qaabiyeyaasha munaasabadda ayaa madaxda Qaranka uga mahadcelisay fursadda ay markale siiyeen wasiir Beyle ,iyagoo xusay in uu dalka shaqo wanaagsan u soo qabtay muddadii uu xilka hayay,waxayna halkaasi markale ugu hambalyeeyeen mas’uuliyadda loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...