Dibad-bax ka dhan ah aflagaadadii hoggaamiyaha Faransiiska uu u geystay nabi Muxammad (NNKH) oo ka dhacay Gaalkacyo.

Date:

Isu soo bax looga soo horjeeday aflagaadadii madaxweynaha Faransiisku uu ugeys nabigeenna Muxammad (NNKH) ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bannaan baxayaasha oo isugu jiray arday,ganacsato, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qeyblinayay erayo ka dhan ah Faransiiska.

Qaar kamid ah culimada oo la hadlay bulshada ayaa uga mahadceliyay shacabka sida ay u muujiyeen dareenkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin difaacidda diinta Islaamka iyo nabigeenna naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Allaha yeelee,waxeyna tilmaameen in aflagaadada loo geysto aysan waxba ka dhibeyn nabigeenna Muxammad.

Isu soo baxa ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo wuxuuna jawaab u yahay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Faransiiska oo ahaa in sawir gacmeedyada nabiga loo ekeysiiyay ay sii wadi doonaan, kaddib markii macalin dhiga iskuul uu ardaydiisa u sawiray, sawir uu uga been abuurtay nabigeenna, arrintaas oo Faransiisku uu dhibaato xooggan uu kala kulmay kaddib markii badeecadihiisa laga joojiyay waddamo badan.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...