Pakistan: Qarax ka dhacay Peshawar oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo.

Date:

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhimatay masjid ku yaalla magaalada Peshawar oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan,ka dib markii boorso laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qaraxday gudaha masjidkaasi oo sidoo kale ahaa dugsi lagu barto qur’aanka kariimka.

Qaraxaasi ayaa saaka waaberigii ka ka dhacay masjidka Speen Jamaat  waxaana sidoo kale ay ku dhaawacmay 109-ruux, sida ay sheegeen saraakiisha booliisku iyo maamulka caafimaadka.

taliyaha booliska ee magaalada Peshawar Muhammad Ali Khan ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay xilli caruur badan oo baranaayey qur’aanka ay ku jireen gudaha masjidkaasi.

Baaritaanno hordhac ah ay sheegayaan in 5-6 kiilo oo walxaha qarxa ah oo laga soo buuxiyay boors ay sababeen dhimashada iyo dhaawacyada soo gaaray dadkaasi oo u badan caruur yaryar iyo kuwo qaangaar ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...