Erdogan oo dadkiisa ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska.

Date:

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.

Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska uusan is dhiibin doonin’

Muxuu ku saabsan yahay khilaafka?

Madaxweyne Erdogan wuxuu ugu baaqay shacabka dalkiisa in aanay iibsan badeecadaha ka yimaada Faransiiska.

“Ha gadanina badeecadaha Faransiiska, hana gadanina” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Wuxuu ka codsaday hogaamiyeyaasha Midowga Yurub in Macron ay u sheegaan in uu joojiyo ololaha naceybka ku saleysan.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty.

Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka”

Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku sugan galbeedka Yurub, dadka qaar waxay ku eedeynayaan in uu adeegsanayaan tallaabooyin uu ku bartilmaameedsanayo islaamka.

Afahayeen u hadlay hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel wuxuu ku tilmaamay hadallada Erdogan wuxuu xanaf leh oo aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Xiriirka Faransiiska iyo Turkiga

Hadalkan ayaa Erdogan ayaa imaanayaa bilooyin uun kaddibv markii ay sare u kacday xiisadda ka dhex taagan Faransiiska iyo Turkiga.

Labadan dal waxay ka wada tirsan yihiin Gaashaan Buurta Nato, waxay labadooda kala taageerayaan dagaalka u dhexeyaa Armenia iyo Azarbaijan iyo dagaallada ka taagan Libya.

Erdogan iyo Macron waxay ku aragti duwan yihiin shidaal baarista uu Turkiga ka wado xeebaha bariga badda Mediterranean-ka, Faransiiska wuxuu diyaaradihiisa dagaalka geeyay gobolka xilli ay taagan tahay xiisadda Turkiga iyo Giriigga.

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa dhawaan sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Waxay arrintaas horseeday in Faransiiska uu u yeeray safiirkiisa u fadhiyay Turkiga si wadatashi loo sameeyo.

Isha Bbc.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...