Erdogan oo dadkiisa ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska.

Date:

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.

Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska uusan is dhiibin doonin’

Muxuu ku saabsan yahay khilaafka?

Madaxweyne Erdogan wuxuu ugu baaqay shacabka dalkiisa in aanay iibsan badeecadaha ka yimaada Faransiiska.

“Ha gadanina badeecadaha Faransiiska, hana gadanina” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Wuxuu ka codsaday hogaamiyeyaasha Midowga Yurub in Macron ay u sheegaan in uu joojiyo ololaha naceybka ku saleysan.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty.

Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka”

Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku sugan galbeedka Yurub, dadka qaar waxay ku eedeynayaan in uu adeegsanayaan tallaabooyin uu ku bartilmaameedsanayo islaamka.

Afahayeen u hadlay hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel wuxuu ku tilmaamay hadallada Erdogan wuxuu xanaf leh oo aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Xiriirka Faransiiska iyo Turkiga

Hadalkan ayaa Erdogan ayaa imaanayaa bilooyin uun kaddibv markii ay sare u kacday xiisadda ka dhex taagan Faransiiska iyo Turkiga.

Labadan dal waxay ka wada tirsan yihiin Gaashaan Buurta Nato, waxay labadooda kala taageerayaan dagaalka u dhexeyaa Armenia iyo Azarbaijan iyo dagaallada ka taagan Libya.

Erdogan iyo Macron waxay ku aragti duwan yihiin shidaal baarista uu Turkiga ka wado xeebaha bariga badda Mediterranean-ka, Faransiiska wuxuu diyaaradihiisa dagaalka geeyay gobolka xilli ay taagan tahay xiisadda Turkiga iyo Giriigga.

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa dhawaan sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Waxay arrintaas horseeday in Faransiiska uu u yeeray safiirkiisa u fadhiyay Turkiga si wadatashi loo sameeyo.

Isha Bbc.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...