Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland+Sawirro.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  oo axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay amniga, Arrimaha Gudaha iyo dimuquraadiyad, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada tayeynta adeegyada iyo horumarinta kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

                  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...