Puntland oo raadineysa Dadkii dilay Kaaliye Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus).

Date:

Magaalada Garoowe xarunta  Puntland waxaa xalay lagu dilay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) oo kaaliye ka ahaa Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka ee Maamulkaas.

Jaamuus ayaa la dilay xili uu usii socday hoygiisa  waxaana lagu toogtay meel aan sidaas uga fogeyn Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgal ay ku raadinayaan kooxdaas toogatay Kaaliyahaan katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Inkasta oo aysan warbixin rasmi ah kasoo saarin natiijada kasoo baxday howlgalkooda oo ujeedkiisu ahaa soo qabashada dadkii dilay Garyaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad gacanta ku jira.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laamaha ammaanka faray in ay adkeeyaan amniga xarunta maamulkaas oo dilal & qarax lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal uu ka dhacay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay ka kulmay qorshaha sugidda amniga Magaalooyinka Garoowe & Boosaaso oo martigelinaya Doorashada kuraasta saami ahaanta uga soo aaday labada Gole ee BFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...