Dhakhaatiirtii ka hortagga Covid-19 oo xaflad loogu qabtay Muqdisho+”SAWIRRO”

Date:

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Marwo, Basma Caamir Axmed (Jakeetti) iyo sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Saciid ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay Dhakhaatiirtii naftooda u huray sidii cudurka karoona fayris looga badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka,gobolka Banaadir,ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale waxaana soo qaban qaabiyay maamulka hotel Guryo samo.

Guddoomiye Basma Caamir Jakeetti ayaa uga mahadcelisay dhakhaatiirtii ka shaqeeyay sidii looga hortegi lahaa in cudurka Karoona fayris uu ku faafo dalka, iyadoo ku ammaantay dhabar adeegii ay muujiyeen xilligii adkaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...