Raโ€™iisal Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Kuwayt.

Date:

Raโ€™iisal-Wasaarahaย  xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka dibaddiisa ugu baqoolo tan iyo intiiloo Magacaabay xilkaas.

Raโ€™iisul Wasaare Rooble sida qorshaysan wuxuu socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwait, ujeedada safarka raโ€™iisalwasaaraha ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh SabahAl- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii ย Bishii September ee sanadkaan.

Sidoo kale Raโ€™isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto,waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carbta iyo Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...