Ciidamada ammaanka oo fariisimo cusub ka samaysatay deegaano ka tirsan Galgaduud

Date:

Ciidamado isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa howlgallo balaaran ka sameeyey deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada Ilix, Booda-dheere, Labidule, Sina-dhaqo oo ku hoos yimaada caasimadda Galmudug ee Sama-reeb, iyagoo ciidamadu ay gaaf wareeg ku sameeyeen deegaanadaas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay todobaadyadii hore ku soo dhawaadeen, iyagoo shacabka Deegaanka dhibaato u gaysta.

Howlgalka oo soconayey in ka badan 48 saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa si wada jir ah ciidamada u hor kacayey Taliyaasha Qaybta Guud ee Booliska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, waxaana ciidamada ay fariisimo ka samaysteen goobihii howlgallada laga sameeyey.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa isaga baxay Deeganada aan kor ku soo xusnay kadib markii ciidamadu ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorshaysan, iyadoo Taliska Booliska Galmudug uu balan qaaday in meel kasta oo Maleeshiyaadka lagu arko lagula dagaalami doono, bulshada Deegaankana ugu baaqay inay soo sheegaan Argagixisada meelkasta oo ay ku arkaan.

                 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...